Baydhabo(INO)– Gudiga Doorashooyinka dadban ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay iney soo afjareen cabashooyinkii ka dhashay Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee dhawaan lagu soo gabagabeeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Sayid Cali Baafo Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka dadban ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo laga guuleysto uu Warbaahinta ka sheegayo in Caddaalad darro lagu sameeyey,Isagoona xusay in la gaari doono xilli dadku ay aqbali doonaan in laga guuleysto.
“Qof Walba Oo Laga Guuleystay Wuxuu Tirsanayaan Cabasho, Waxa La Gaari Doonaa Maalin Uu Aqbali Doono Natiijada” Ayuu yiri Siid Cali Baafo
Sayid Cali Baafo ayaa tilmaamay in intii badneed cabashooyinkii ka dhashay Doorashada ay xaliyeen Odayaasha dhaqanka oo qayb ka ah Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan xiligan jirin wax tabasho ah.
Ugu dambeyntii, Musharxiinta qaarkood ayaa ku doodaya in ay weli u taaganyihiin doorasho xalaal ah oo ay la galaan xubno ay ku tilmaameen in si sharci dara ah ay kusoo baxeen.