Dhageyso:Gollaha Xukuumada Soomaaliya Oo Magacaabay Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta

0
258

Muqdisho(INO)- Golaha Xukuumada ee dawladda Soomaaliya ayaa manta isku raacay Magacaabida Taliyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta ee dawladda Soomaaliya oo mudo aan laheyn taliyaal rasmi ah.

xaamud

Wasaaradda Amniga gudaha iyo Cadaalada ee dawladda Soomaaliya ayaa soo jeediyey in xilalka Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Asluubta loo kala dhiibo labo shaqsi oo mudo ku soo jiray Siyaasada dalka Soomaaliya, isla markaasna xilal horay uga soo qabtay dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Xukuumadii hore.

Golaha ayaa isku raacay in Taliyaha ciidamada Booliska loo magacaabo Jen, Maxamud Sh Osman Xaamud oo horay usoo noqday Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadii Abdiwali Sh Axmed Maxamed, waxaana jagadan soo codsaday in loo magacaabo Wasaaradda Amniga gudaha ee dawladda Soomaaliya, golaha ayaana ku raacay.

Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay u soo noqday Taliyaha Nabadsugida Qaranka, ahna Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada noqday Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliya, waxaana Goobe lagu xasuustaa mudo dheer oo uu ku shaqeynayay gudaha dalka Soomaaliya.

Magacaabida Taliyaashan cusub ayaa ku soo beegmaysa xili Xukuumada Soomaaliya laga filayo in ay wax badan ka qabato xaaladaha gudaha ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here