Kismaayo(INO)- Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo ka furmey shirka Madasha Wadatashiga ee geeddi Socoda Doorashooyinka Soomaaliya 2016. Kadib khudbado qurux badan oo madaxdu ka jeediyeen guriga Madasha, ayaa wejigiisi labaad ee shirku noqdey in ay Madaxda Soomaalidu wada galaan shirar albaabadu u xiran yihiin.
Shirarkan oo ahaa nooca marathon-ka loo yaqaan ayaan loo kala kicin tan iyo shalay, waxaana dooda ugu weyn ay ka taagneyd qaabka ay ku imaanayaan Xildhibaanada labada aqal marka la gaaro bisha Agoosto 2016.
Nidaamka 4.5
Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ayaa sheegey in ay doonayaan in sidii hore ay wax ahaadaan, isla markaana Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 oo ah nidaamka beelaha Afar beelood iyo beelo badan oo la isu geeyey oo qaybtooda laga dhigey kala bar kuwa kale waxay helayaan.
Aqalka sare ee Shuyuukhda ayey soo jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka Dowlad Goboleedka, waxayna ka soo horjeesteen in 18 kii ghobol lagu soo xulo sida uu qabo Dastuurku.
Nidaamka Degmooyinka
Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa istaagey mowqif ah in Aqalka Hoose deegaan ay ku yimaadaan Xildhibaanadu meelna la iska dhigo Xildhibaano qabiil metalaya.
Jubaland iyo Puntland ayaa sheegay in ay samaynayaan tanaasul oo ah in Aqalka hoose lsaddex marka loo qaybiyo laba qaybood ay deegaan ku yimaadaan degmooyinka, halka qaybta kale ay ku yimaadaan Beelaha, taas waxay raaciyeen in beelaha laga tirada badan yahay’ sida hadalka loo dhigey’, iyo haweenka loo sameeyo qoondo gaar ah, taas oo ka dhigeysa baarlamaanka mid loo dhan yahay.
Aqalka Sare ee Shuyuukhda ayaa Jubaland iyo Puntland sheegeen in ay arkaan in lagu soo xulo nidaamka gobolada 18 ahaa ee jirey ka hor 1991, taasna aysan jirin meel looga leexdo.
Sida muuqata Jubaland iyo Puntland waxay qaateen war-murtiyeedkii hore ee ka soo baxay shirkii Muqdisho kaas oo dhigaayey 4.5 iyo deegaan isku dhafan.
Dowladda Federaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.Soomaaliya Xasan Shiikh, Raysaklwasaaraha Cumar Cabdirashiid iyo Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa istaagey mowqif midna ay ku waafaqsan yihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed, midna ay ku waafaqsan yihiin Jubaland iyo Puntland.
Federaalku wuxuu soo jeediyey Aqalka hoose in lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka sare ay tahay in lagu soo xulo 18 Gobol.
Natiijo la’aan
Shirka ayaa lagu kala kacay, waxaana caawa oo Jimce ay isku raaceen in wuxuun War murtiyeed ah ay shirka ka soo saaraan, kaas oo ay ku sheegayaan in dib la isugu soo noqonayo mar kale. ka hor warmurtiyeedka ayaa la sameeyey xaflad sagootin ah taas oo socota saacadan aan warka qoreyno, waxaana ay daawanayaan madaadalo iyo maaweelo ka hadleysa isu tanaasulka!.
Maqnaanshaha Beesha Caalamka
Furitaankii shirka waxaa Madaxda Soomaalidu ay ku faaneen in maanta Soomaali wada hadleyso, iyada oo aan hal ajnebi ah ku dhex jirin, taasina ay muujineyso biseylka ay gaareen, laakiin nasiib darro wax ka yar 24 saac gudahood ayey ku kala boodeen.
Wejiga labaad
Marka laga yimaado War-murtiyteedka aan macnaha ku fadhiyin ee shirka laga soo saarayo, waxaa muuqata in la wada sugayo in la soo faro geliyo, waxaana shrikaani ku soo beegmey iyada oo ergaygii hore ee Qaramada Midoobey meesha ka baxay kan beddli lahaana aanu weli dalka soo gaarin, halka ergadii kale ee beesha caalamka ee shirka ka qaybgeli lahayd ay Kismaayo isaga huleeleen markii la ixtiraami waayey ballantii shirka loo qabtey ee ahayd 10 Janaayo 2016.
Idale News Online, Kismaayo