Baydhabo(INO)- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Degaanka Goof-gaduud Buurey oo 30-KM ujira Gobolka Bay.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab weerar ay ku soo qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Degaanka.
Taliyaha saldhiga Degaanka Goof-gaduud Buurey Maxamed Abuukar Mursal (Timo-jilac) ayaa waxa uu sheegay Dagaalka khasaare in ay ku gaarsiiyeen Shabaab, sidoo kalena ay soo furteen.
Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee ay wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in dagaal ay kula wareegeen gacan ku haynta Degaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Bay.