Marka (INO)—Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Afhayeenka Wasaaarada Amniga Dowlada Koonfur Galbeed Maxamed Maxamuud Caseyr ayaa waxuu sheegay in ay deggan tahay Xaalada Magaalada Marka kadib markii halkaasi ay Shalay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Afhayeen Maxamed Maxamuud Caseyr ayaa waxuu tilmaamay in ay bilaabi doonaan howlgallo kala duwan uu ku sheegay in lagu beegsan doono goobaha lagu tuhmo in ay Magaalada Marka uga sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.
“Waxaan qaadi doonaa howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab, kaasi oo suurti gelin doona in Al Shabaab aysan dib dambe ugu soo laaban Magaalada Marka Xarunta Gobolka Sh.Hoose” sidaasi waxaa yiiri Afhayeen Caseyr.
Sikastaba hadalka Afhayeenka ayaa waxuu imaanayaa Xili Shalay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ay hanteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Marko