Dhageyso:Dagaalka Degmada Guriceel Oo Maanta Xalkiisa Loo Fadhiyo

0
231

Guriceel (INO) — Wadahadallo u dhaxeeya Dhinacyada Dagaalka ee Degmada Guriceel iyo Wasiirka Difaaca DFS ayaa ka socda Degmadaasi, iyadoo ay Maanta doonayaa inay soo afjaraan Colaadda.

Teaser Image Dagaalka Guriceel oo Maanta Xalkiisa loo fadhiyo {Dhageyso}

Waxaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa inay Ahlu Sunna iyo Saraakiisha Ciidanka DFS saxiixaan Heshiis Hordhac uu ah Xalka Khilaafka keenay Dagaalka Dhiiga ku daadanaya ee Degmada Guriceel.

Halkan Ka Dhageyso.

Wadahadalada ka socda Guriceel, ayaa diiradda lagu saarayaa Xasiloonida Gobolka Galgaduud, waxaana Dhinacyada qalinka ku duugayaan Saddex Qodob oo kala ah.

  • In Heshiis Xabad Joojin ah la wada gaaro
  • In Ciidanka is-horfadhiya lakala qaado
  • In Wadahadal Toos ah la furo

Wasiirka Difaaca DFS C/qaadir Cali Diini oo ku sugan Degmada ayaa Dhex-dhexaadiye u ah Ahlu Sunna iyo Maamulka Galgaduud ee Colaadda Degmadaasi u dhaxayso.

Saraakiisha Ciidanka DFS ayaa diidan inay Ciidankooda ka saaraan Xoosh ee 21-tanaad oo ah Xarunta Ciidanka lagu tababaro ee Duleedka Guriceel, waxaana taasi ay noqotay Hadalhaynta ugu badan ee Bulshada Gobolkaasi.

Idale News  Online –  Guracel