Baydhabo(INO)-Iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan islamarkaana dad badan oo dan yer ah ay adag tahay iney helaan wax afurin ayaa waxaa qoysas ku dhow boqol oo danyer ah loogu qaybiyey gargar raashin ah si afurin uga sameystaan.
Dadka gargarkan rashiinka ah loo qaybiyey ayaa waxaa ka muuqatay saameynta nolol xumo gudaha magaalada ku haysata,waxaana ay yihiin haween iyo dad da,ah,waxaana la siiyey rashin ka kooban bur.bariis.sonkor.caano,timir iyo saliid.
Ibraahin axmed ibraahin oo ah wakiilka arlaadi aid oo gargarkan rashinka ah soo dhiibay ayaa ka Hadley goobta danyarta rashiinka loogu qaybiyey.
Mid ka mid ah dadkii dan yarta ee ka faa,iideytay ayaa ka mahadceliyey deeqa gargarka ah ee la siiyey.
Baydhabo ayaa waxaa ku dhibaatsayn boqolaal kale oo danyar ah kuwaas oo aysan haysan wax ay xagga nolosha kaga gudbaan bisha barakaysan ee ramadaan.
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera