Buurhakaba(INO)- sida ay Xaqiijinayaan wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay waxaa Ciidamada Itoobiya ay Xabsiga dhigeen ilaa 37-ruux oo la sheegay in lagu soo qabtay Howlgal ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya howlgal lagu Xaqiijinayay Amniga ka sameeyeen Degmadaasi kaasi oo bilowday Galinkii dambe ee Xalay.
Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidmaada Dowlada ee ka qeyb qaatay Howlgalkaasi ayaa sheegay inay Ciidamadu ka baarayeen Degmada Buurhakaba Rag ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weeraray Xarunta Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaasi.