Galkacyo(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug waxay sheegayaan in halkaasi maanta ciidanka Maamulka Puntland ay shacab ku laayeen.
Waxa la sheegay in ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen Xero Dad Barakacayaal ah ku sugnaayeen Magaalada Gaalkacyo Lamana oga sababta keentay in arintaasi dhacdo.
Inta la xaqiijiyey waxa ku dhintay weerarkaasi 1 qof oo haweeney aheyd iyadoo seddex qof ay dhaawacyo kasoo gaareen arintaasi.
Maamulka Puntland kama aysan hadlin waxa maanta ka dhacay Xerada Hormar la yiraahdo ee Barkacayaashaasi lagu dhibaateeyey.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Onlin, Galkacyo