Dadaab (INO ) 40 qoys oo tiradooda lagu sheegay 220 ruux ayaa si iskood ah ugu laabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyagoona ka yimaadeen Xeroyyinka Qaxootiga Ee Dhadhaab Ee Dalka Kenya.
Qoysaskan ayaa la sheegay in la geyn doono Baydhabo iyo Diinsoor oo labaduba ka tirsan gobolka Bay ee dowlad goboleedka koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Ma aha markii ugu horreysay ee qaxootiga Dhadhaab dib ugu laabtaan dalkoodii Soomaaliya waxayna ku laabteen Jubba iyo, Banaadir iyo gobolada dhexe dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo