Dhageyso:Ciidan La Dhigay Isgoysyada Magaalada Baydhabo

0
225

Baydhabo(INO)-Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa maanta la soo dhoobay Isgoysyada iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaaladaasi ku yaala.

Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa leesla dhex marayaa in saacadihii ugu dambeeyay uu gudaha u soo galay gaari nooca raaxada ah, oo sida walxaha qarxa, waxaana laga cabsi qabaa in fal dembiyeed looga geysto Magaalada.

Wasiirka Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inay maleygayan falal ka baxsan xasiloonida Magaalada Baydhabo.

Wasiirka, ayaa carab dhabay inay heegan sare geliyen Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga, ayna soo dhigeen Isgoysyada Magaalada Baydhabo iyo Wadooyinka soo gala Xarunta Baydhabo.

Baydhabo

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in Magaalada Baydhabo si weyn leeskula dhex maraayo, gaariga qaraxa sida ee gudaha loo soo geliyay Magaalada, isla-markaana ay dadku baqdin ka muujinayan in waxyeelo ka soo gaarto.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa wuxuu dadka deegaanka uu ugu baaqay inay is dejiyan, soona sheegaan cid kasta oo ay kaga shakiyan mintidiinta Al Shabaab.

Ciidamada Militariga, ayaa waxaa lagu arkayaa Wadooyinka soo galo Magaalada Baydhabo, iyagoona doonaya inay ka hortaggaan in gaadiid kale oo qaraxyo kale sida, gudaha loo soo geliyo Xarunta Gobolka Baay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here