Xudur(INO)– Ciidamada dawladda Faderaalka ee kusugan gobalka Bakool ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay Shabaab uga saaraan deegaanada ay maamulayaan ee gobalka Bakool, gaar ahaana degmooyin muhiim ah oo gobalkaas ka mid ah.
Ciidamada dawladda ayaa sheegay in ay qabsan doonaan deegaanada wali ku jira gacanta Shabaab, waxa ayna dadweynaha ugu baaqeen in ay ka qeybgaleen xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dawladda.
Guddoomiyaha Tiyeegloow Maxamed Cabdalla Xasan Food-Cadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay galeen Diyaar garoow Al-shabaab looga saarayo Gobolka marka ay dhamaato Bisha Ramadaan.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay Al-shabaab ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka Balse Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay isku diyaarinayaan in ay Gobolka Bakool ka saaraan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Xarakada Al-shabaab ayaa qeybo kamid ah Gobolka Bakool Maamusha,iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo iskaashanaya ayaa Gobolada Dhaca Koofurta dalka waxaa ay ka wadaan Dhaqdhaqaayo Ciidan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xudur