Baydhabo(INO)-Gollaha dhalanyaradda Koonfur Gallbeed Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya Qabsoomida doorashada Guud ee ururka Dhalanyarada Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Munaasabad ballaran oo Arintaasi looga hadlaayey ayaa waxay ka dhacdey Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Bay, waxaana Ka soo qiib galey Wasiiro ka tirsan Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaaadka,Xasan Xuseen Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Cali Maxmed Watiin Iyo Marti, Sharaf kale.
Dhamaan Mas’uuliyiinti ka hadley Munaasabadda ayaa waxay si wada jir ah u sheegeen Ahmiyadda Nabadda iyo doorka ay ka qaadan karaan Dhalanyaradda Degaanada Koonfur Galbeeed Soomaaliya, iyagoona dhalintu ay ku booriyeen inay ku dadaalaan Midnimadda.
Wasaaradda Dhalanyarada iyo isboortiska Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada INTERPEACE ayaa gacan ka geysanaya Dhicitaanka Doorashadaasi, oo la filayaa in ay Dhawaan ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo