Muqdisho(INO) Ciidamada booliska iyo nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawlgal ballaaran ka wada magaalada Muqdisho ee caasiadda Soomaaliya,ciidanka ayaa hawlgalka baaxadiisa ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Wadajir oo shalay lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii degmadaas.
Ciidamada booliska iyo nabad sugidda dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe bilaabay hawlgalka,waxayna xireen gabi ahaanba wadooyinka gala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Hawlgalka ayaa waxaa qayb ka ah gaadiidka qafilan ee ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo lagu arkayo xaafadaha degmada Wadajir,ciidanka ayaa baaritaan xoog leh ka wada xaafadaha Siliga Ameerikaanka iyo Nasteexo.
Hawlgalkan ayaa saamayn ballaaran ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka qaybo kamid ah magaalada muqdisho,gaadiidka dadweynaha ayaan saaka loo ogoleen iney maraan wadada dheer ee isku xirta Isgoyska Banaadir Ilaa Beerta Jaadka.
Arday badan oo dhigta Jaamacadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo dadka u shaqa taga Suuqyada magaalada Muqdisho ee ku nool degmada Wadajir ayaa saaka lugtooda maalaya,lama oga tirada saxda ah ee hawlgalkan lahu soo qabqabtay balse saraakiisha ciidamada ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo aaddan ka warbixiyaan hawlgalka ay saaka ka wadaan degmada Wadajir.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho