Xudur(INO)-Iyadoo Roobabka gu’ga uu ka Curtey Goboladda Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa Biyala`aan saameynku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan Gobalka Bakool iyadoona Maamulka deegaankaasi uu faah faahin kabixiyay Biya la`aanta ka jirta Gobalkaas dalbadayna in gargaar lala soo gaaro Dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
Maxamed Macalin Axmed Gudomiyaha Degmada Xudurr Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa uu sheegay Deegaano Hoostaga Degmadda Xudur iyo deegaano kale o dhaca xuduuda soomaaliya iyo dhulka soomaalida ee itoobiya maasho ay ka jiraan Biyo la`aan Baahssan.
Halkan Ka Dhageyso.
Waxa Soo gaarey Xudur dad Ka Soo barakacey, tuulooyin Hoostaga Degmadan iyo Degaano kale, waxayna soo raadsadeen Biyo, waan soo dhaweeyney Ka Maamul ahaan, waxii aan U qaban Karno waa Sameyney, Roobabka Gu’ga meelo ka mid ah Gobolka Bakool Kama curan weli‘ ayuu yiri Gudoomiyaha Degmadda Xudur.
Ugu Dabeyntii Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa ugu Baaqay Dowladda DF Soomaaliya, Dowladda KGS iyo Hay`adha samafalka in deegaanadasi ay dadka ku dhaqan gargaaraan, bilyo yaridaaina ay saamaysay Beerahii ay tacba jireen dadka deegankaasi
Idale News Online, Xudur.