Baydhabo(INO)-Wararka Ka Imaanaayo Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Sheegeyaan in Maanta Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ay Gaareen Markii ugu horaysay ku dhowaad muda sanad ah in ka badan 70 gawaari, kuwaasoo u raran Ganacsada magaaladaasi.
Gawaaridan ayaa la Shageey mudo 7 maalmood ahi in ay ku soo jireen wada ayagoona soo galbinaayeey ciidamo ka tirsan Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegeen in magaaladaasi maanta iyo shaley ku soo ku qulqulayeen in ka badan 70 gaari oo wada cantooyinka kala gedisan isla markaana waxa intaasi raacey, in haatan ay soo gaareen Gudaha Magaaladaasi iyagoo Badqabo.
Halkan Ka Dhageyso.
Runtii shaley iyo Maanta, waxaa Na Soo gaarey, In Ka Badan 70 Gawaari oo Ganacsatada Degmada Xudur U raran, Mudo 7 cesho ah ayey wada ku soo jireen, ciidamada AMISOM ayaa soo galbiyeey” ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Macalin Axmed.
Ugu dambeyntii Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool ayaa go’doonsanayd bilooyin kaddib markii kooxda Mayal adag ee Al- shabaab oo laga saaray magaalada ay xireen wadooyinkii galayey magaalada Xudur iyo Degmooyinka kale.
Idale News Online, Xudur