Dhageyso:Al-Shabaab oo baahisay Magacyada, Qabiilada & Wareysiyada Raggii fuliyey Weerarkii Naasa-hablooad

0
1480

Muqdisho(INO)– Warbaahinta ururka Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay magacyada iyo qabiillada ay kasoo jeedaan raggii  25-kii bishan weerarka ku qaaday hoteelka Naaso Hablood ee magaalada Muqdisho.

Nuux Xasan Sheekh waxa uu ka mid yahay raggii fulisay weerarkii Naaso Hablood, waxaana qabiilkiisa lagu sheegay inuu yahay beesha Hadame, waxa uuna Al-shabaab ku biiray 2013-kii.

Cod uu reebay Nuux ayuu ku sheegay sababta uu ku weerarayo Hoteelka Naasohablood, sidoo kale waxa uu farriin u diray Hooyadiis, Aabihiis iyo qaraabadiisa.

Halkan Ka Dhageyso Codka Nuux.

Nuux Af-ka Maxaa tiriga ee Soomaaliga kuma hadli karo, waxa uuna ku hadlayaa Afka Maay Maayga, waxayna muujineysaa inuu waligiis ku sugnaa gobollada Bay iyo Bakool.

Dhanka kale Sharmaarke Axmed Sheekh Xuseen waxa uu isna ka mid yahay raggii weerarkaasi fuliyey, waxaana uu sheegay in Al-shabaab kusoo biiray sanadkii 2010.

Sharmaarke ayaa ka dhashay beesha Hubeer  Afka maxaa tiri ayuu si fasiix ah ugu hadlayaa, waxa uu beeshiisa ugu baaqay inay qeyb ka qaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Halkan ka Dhageyso Codka Sharma’arke

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay