Muqdisho(INO)-Iyadoo muranka ka dhashey magacaabistii xildhibaanada barlamaanka maamulka kmg ee Jubba uu cirka isku shareeraayo isla markaasna maalmo sii horeysana tiro xildhibaan kor u dhaafaaya 40 xubnood ay gudoonka barlamaanka gacanta u geliyeen mooshin talo soo jeedin ah oo looga so horjeedo dhismaha barlamaanka uu yeelanaayo maamulka kmg ee Jubba, ayaa waxaa xildhibaano ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ay baaq u direen madaxda sare ee dowlada.
Xildhibaanada baaqa iyo mooshinka gudbiyey ayaa ku doonaaya in dhismaha xildhibaanada uu maamulkaasi soo xushay aan la marin dhabihii sharciga ahaa, waxa ayna xildhibaanadu ka digeen in cadaalad darida noocaan oo kale ay keeni karto dhibaatooyin hor leh oo jubooyinka ka dilaaca haddii aan dowlada federaalka si deg deg ah arrintaas wax uga qaban.
Xildhibaanada oo saxaafada la hadlaayey ayaa sheegay in aysan raali ka noqon doonin waxii sharciga dalka ka hor imaanaaya ama ku dhisma dano siyaasadeed oo keenaaya burbur ku yimaada midnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa deegaanka Jubooyinka.
Xildhibaan Samaan Madeey oo ka mid ahaa xildhibaanadii halkaasi ka hadley ayaa Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka CCC uga digay in ay taageeraan isla markaasna ay ka qeyb galaan calaamo saarka dhowaan la filaayo in magaalada Kismaayo loogu sameeyo xubnaha cusub ee barlamaanka Jubaland oo uu ku sheegay in aan sharciga dalka, rabitaanka shacabka iyo heshiisyo dhinacyada jubooyinka aan haba yaraatee midna ku imaan.
Idale News Online. Mogadishu