Dhageyso: Xildhibaanadii ku dhawaa R/W Saacid oo sheegay in ra’iisul wasaaruhu ku fashilmey howlihii loo ikmaday

0
188

Mid kamid ah Xubnaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beelaha Daarood gaar ahaan beesha Sade ayaa ka hadlay Khilaafka u dhexeeya masuuliyinta dalka, wuxuuna sidoo kale sheegay Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon inay ku fashilantay howlihii idmaday isla markaana uu dalku u baahanyahay Xukuumad Cusub oo howsha la wareegta.

Xildhibaan C/fitaax Nuur Mataan oo kamid ah Xildhibaanada Soomaliya oo isagoo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo la hadlayay mid ka mid ah idaacada maxaliga ee gudaha dalka ayaa sheegay inay ka xunyihiin Khilaafka soo kala dhex galay masuuliyiinta dalka wax walbana laga doonayo in lagu dhameeyo qaab dastuuri ah.

Sidoo kale wuxuu xusay Mudo sanad ah oo fursad loosiiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya inay wax qabato inay ku fashilantay imikana la doonayo dalku inuu yeesho Xukuumad Cusub si wax loogu qabto.

Ugu danbayntii Xildhibaanka ayaa ka hadlay Socdaalo ay ku tageen deegano ka tirsan gobolka Gedo kuwaasi oo soo xaliyay khilaaf u dhexeyay maamulada degmooyin ka tirsan Gedo.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Xildhibaan-Cabdifataax-Nuur-Mataan.mp3]

BarlmkaSomalia

Idale News Online