Dhageyso: Xildhibaan Xasan Black” Miisaaniyada 4ta Bilood Ee Wasaarada Maaliyada KGS Waa Been+ Wasiiradu Waxay Ku Jees Jeesayaan Mudanayaasha”

0
175

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf  (Xasan Black oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Saaka Wareysi Siyey Shabakada Wararka Idale News.com  ayaa si kuluul ugu hadlay Miisaaniyad dhawaann ay soo Gubisay Wasaarada Maaliyada KGS isla markaana ay ansaxiyeen Baarlamakaas, isagoona ku tilamaamey in ay ahayd miisaaniyad Been ah oo Guul dareysatey  oo  aan laga fiirsan Qiyaasteeda.

” Mudanaasha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya way ku hungoobeeyey meel Marinta Miisaaniyaadaas oo ahayd mid Been abuur ah” ayu yiri Xasan Black.

Waxa Uu Sheegey in Miisaaniyada 4ta Bilood ee Loo soo gubiyey Baarlamanka Tirada Badan Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu deg degay Meel marinteeda, taasoo laga lahaa arimo siyaaasadeed oo ay wadeen Wasaaarada Maaliyada iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona Hoosta Ka Xariiqay in mudo aad u yar gudahooda Baarlamanka lagu qasbay inay Ansixayaan.

Xubahna Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo tiradoodu ay gaareyso 149 mudane ayaa waxay bil weli la siin jirey  $200 taasoo sabab u ah in si hufan oo tayo leh ay u shaqeeyn waayaan Munaayaasaha Baarlamankaa KGS Oo Bah dilan.

” Miisaaniyada La Soo Gudbiyey Ee 4ta bilood ahayd Mudanayaasha Baarlamanka KGS waxa u qoran mid weliba $700 oo bil kasta ah, iyagoona rajyeynay inay helaan Bishan $700  taasi ma dhicin,markii arintii la isku qabtey oo loo yeerey Gudoonka Baarlamanka iyo Gudiga Dabagalka Maaliyada waxay soo dhaheen lacagtii faraha laguma haayo, ee qaata $200, ka dib waxaa loo yeerey Gudoomiyaha Gudiyada Baarlamaka KGS  Markii uu u tagey Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxu ku soo yari “qofkii Gaajo u qaba ha soo raadsado $200″ hadaalkaas waan ka xun nahay, marka sidaas darteeda Miisaaniyadii la soo gudbiyey been ayey ahayd oo la doonAayo in umadan la isku diri ” waxa sidaas yiri Xildhibaan Xasan Black oo waramayey Idalenews.com.

” Waxa dhagtaynu ku soo dhaceysa in lacagtan la dooonayo in si khaldan loo isticmaali doono  oo ah; doorasahda 2016, Safaro iyo arimo kale” ayuu  mar kale yiri Xasan Black.

Xidhibaan Xasan Black ayaa  waxaa wax lagu xumaado ku tilmaamey hadalka Gudoomiyaha Baarlamakan Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye isagoona sheegey in Xildhibaanada nafta leh ee wax arka laga reebey ka mid noqoshada Gudiyada Baarlamanka.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Black ayaa waxa uu Xusey in Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku jees jeesaan Xildhibaanada BKGS markii ay  ku dhahaan waa la idin la Xisaabtmaya.

” Wasiirka Maaliyada Waxa uu Hoostiisi Ku Jiraa Madaxweyane Shariif Xasan iyo Gudoomiyaha BKGS,  wasiiro aan ku dhisneyn Tayo iyo Aqoon  markii hore oo diideen inay hor tagaan BKGS Oo kaliye garanayaan Madaxweynaha KGS umadan dhibeysan ma hogaamin karaan,  hadii wasiirada la dhaho waa la idin la xisaabtamaa, waxay dhahayaan waan idinka darajo sareynaa ee yaad la xifaaltameysaan” ayuu yiri Xilidhibaan Xasan Black.

” Dowlada Federalka Soomaaliya bil weliba Koonfur Galbeed Soomaaliya  waxay siisaa sida ku Xusan Miisaaniyada oo la mid yihiin Maamul Goboleedyada  kale $150,000  lacagtan waxay ku baxdaa mar fanaan la soo kireyso oo ka tumo Madaxtooyada  iyo Safaro aan dhamaad lahayn” ayuu yiri  Xasan Black.

Ugu dambeyntii Miisaaniyada  4ta bilood ee Wasaarada maaliyada Koonfur galbeed Soomaaliya ay soo gudbisay ayaa waxay gaareysay $4,302,888.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Xasan Black

01

02030405