Dhageyso: Xildhibaan Samaan Sheekh Daahir Oo Ku Tilmaamay Doorashadii Sharifka waxba kama jiraan

0
222

Muqdisho(INO)-Xildhibaano ka tirsan federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn u qaadacay doorashadii shalay magaalada Baydhabo lagu doortay Sharif Xasan Sheekh Adan inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Ku dhageyso Mobilkaada

Xildhibaan Sammaan oo ka hadlay shirkaas Jaraa’id ayaa sheegay inuu shirkooda ku saabsan yahay arintii naxdinta  iyo dhibaatada laheyd ee dilka loogu geystay rayidka iyo been abuur iyo been isku baheysi uu tilmaamay doorashadii Sharifka.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Nur Modoobe, Saciid Maxamed Cali, Sammaan Sheekh Dahir, Maxamed Ibrahim Xaabsade, Maxamed Xuseen Isaq(Afaraale) iyo Bishaaro Cabdi ayaa doorasharada Sharifka ku tilmaamay mid lagu deg degay.

Xildhibaanadan Federaalka ayaa sidoo kale cambaareeyay dad rayid ah oo ay sheegeen in lagu dilay dibad baxii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyagoo sheegay la adeegsaday ciidamo Ajnabi ah iyo dad kale oo la hubeeyay taasoo keentay sida ay Xildhibaanada sheegeen dhimashada labo qof iyo dhaawaca sadax qof.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in waxa dhacay aanay sharci ku dhisneen, in aanay ku dhisneen rabitaanka shacabka, in dowaladii amar diido ay ku sameeyeen, mar hadii intaas isku darsatay ayey sheegeen in natiijada ay diidan yihiin.

xildhibaan samaan sheekh daahir

Idale News Online, Muqdisho