Dhageyso: Xildhibaan C/wahaab Ugaas “Bakool-Land ayaan uga dhawaaqeynaa gobolka Bakool…”

0
244

Bakool (INO) – R/wasaare ku xigeenkii hore ee Somalia haatanse ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka dowlada federaalka C/wahaab Ugaas Xuseen oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa sheegay in dhowaan halkaasi ay uga dhawaaqi doonaan maamul la magac baxay Bakool-land, isla markaasna ay dooran doonaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen uu maamulkaasi yeesho.

Ku dhawaaqistaan cusub ee lagu doonaayo in gobolka Bakool uu yeesho maamul ka madax banaan Koonfur Galbeed Somalia ayaa waxay dadka reer Koonfur Galbeed xusuusineysaa halgankii ay ugu jireen in ay helaan maamul ka kooban 6 gobol  hase ahaatee aan suurtogalin ka dib markii koox kooban oo markaasi shir isugu yimid hotel ku yaala degmada Baydhabo ay si lama filaan ah ugu dhawaaqeen maaamul kale oo ka kooban 3da gobol, isla markaasna ay madaxweyne ugu doorteen nin lagu magacaabo Madeer oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed  Shariif Xasan.

Ku dhawaaqistii maamulka 3da gobol ayaa ugu dambeyntii soo dedejisay in meesha laga saaro awooddii shacabka iyo tii maamulka 6da gobol, ka dibna dowlada federaalka Soomaaliya, dowladaha deriska, ururka goboleedka IGAD, iyo beesha caalamka ku dhiiradeen in ay taageeraan Madaxweynena ay u doortaan Shariif Xasan Sheikh oo markaasi gacan saar la lahaa maamulka Jubaland.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Shariif Xasan hogaamiyo ayaa waxaa culeysyo siyaasadeed ka soo wajaheen gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose, haddana sida muuqata awoodda maamulkaasi ayaa ku koobmaayo gobolka Baay. Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda KGS ayaa horey uga digay in si sahal ah loo wiiqo maamulka 6da gobol ilaa la helaayo wada hadal dhab ah oo dhinacyada isku haaya 6da gobol ay heshiis waara ka gaaraan mustaqbalka deegaanadaas 6da gobol.

Idale News Online, Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here