Dhageyso: Xafiisyada 2-Guddi Xalinta Khilaafaadka & Doorashada dadban oo la xiray & Saraakiisha oo ka baxay Muqdisho.

0
203

Muqdisho(INO)- Iyadoo is qab qabsi iyo murano ay ka jiraan sidan u socdaan doorashada dalka iyo siday Xafiisyada Xalinta Khilaadka iyo Doorashooyinka daban uga fal celinayaan ayaa sababtay iney sii kororto cabashada ka imaaneysa hanaanka doorasho.

Aqoonyahay Xuseen Maxamuud Suge oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan garaneen halka ay geeyn lahaayeen dacwadaha laxariira boobka lagu hayo kursiga xildhibaanimo ay xaqa u’lahaayeen beeshooda

“waxaan ka raadinayay xafiisyadooda Hoteelada ay daganyihiin iyo madaxtooyada meel walbana waa lagaa soo celinaa cid aysan iga daneenenin looma gudbiyo mana jirto xafiis ugaar ah”.

Mas’uuliyiinta xalinta Khilaafaadka doorashada dadban ayaa sheegay in halis ay ku jirto noloshooda,islamarkaana ay gabi ahaanba xireen xafiisyadooda,iyagoo sheegay iney dalka isaga baxayaan markii ay hanjabaad ay la kulmeen.

Masuq maasuqa ka jira doorashada dadban ee Soomaaliya ayaa la aamisan yahay iney ka war heyso madaxtooyada Soomaaliya oo dalka looga aramiyo.