Dhageyso: Xaawo Sonkor Oo Si Ba’an U Weerartey Siyaasada Hogaamiyaha Maamulka Jubba

0
266

Baydhabo(INO)-Xaawo Sonkor, Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, oo maanta Khudbad ka jeediysy qiiro leh ka jeedisey, banaabax ballaran oo Looga soo horjeedo Dhismaha Baarlamanka Jubba  isla markaana lagu taagyeeraayo Mooshinka Baarlamanka Soomaaliya ay ka keeneen Dhismaha Baarlamankaasi, ayaa si ba’an u weerarty siyaasadda Hogaamiyaha Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Gudoomiye Xaawo Sonkor, ayaa sheegtey in Dad laga Keeney Dalalka Itoobiya iyo Kenya ay maroorsadeen aboodii  iyo Jagooyinkii Maamulka Jubba isla markaana Waxay Carabka ku adkeysey in Beesha Raxanweyn ee Gobolada Jubooyinka  ee inta badan laga qadiyey Xildhibaanada Baarlamanka Jubba  ay sheegtey in aysan u dulqaadan doonin arintaasi.

Dhul dadkiisa ayaa iska leh, dad Liyuu boolis ah ayaa loo galiyey Suud oo waxaa lagu yiri waxaad tiihiin dadka Degaanka, dadkii Asal ku ahaa Gobolada Jubooyinka laga qadiyey  Baarlamanka Jubba, caalad darodaasi ayaan ka soo horjeednaa” ayey tiri Xaawo Sonkor.

Xaawo Sonkor ayaa  Sidoo kale, ku baaqdey in lakala diro Baarlamanka Jubba, oo ay ku sheegtey inuu ku dhisan yahay Cadaalad Daro iyo Dulmi.

“ Axmed Madoobe waxaan u sheegeynaa madaxweyne matihide,Qof Shacabka Ku Dul macsiyeysanaya ayaad tahaye,arintaasi waxaa diidey ragg,ee waxaan ku leenahay haddii maamulkaagu aad dooneyso inuu shaqeeyo siyo  xaqooda dadka degaan wadaag kula ah, koonfurta Soomaaliya waxaa wada degan beelo soomaaliyeed, dadka aad ka keentey kililka 5aad ee itoobiya la naqo” Ayey tiri xaawo

Halkan Ka Dhageyso

Ugu dambeyntii,   Xildhibanada barlamaanka  soomaaliya ayaa mooshin ka keenay dhismaha baarlamanka jubba,  isla markaana waxaa isa soo tarayo  Dhaliilada loo jeedinaayo maamulka jubba.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here