Dhageyso: Wefdi ka Socodo Beesha Absame Ogaadeen oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo Janaay.

0
175

Wafdigaan oo hogaaminaayey Suldaan Axmed Jire Warfaa  ee soo gaaray
Magaalada Baydhabo ayaa kayimid dhanka Gobolka Jubadda Hoose waxaana wafdigan Baydhaba ku soo dhaweeyey wasiiro katirsan Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyii katirsan Golaha Guurtida Koonfur galbeed Ee 6da gobol.

Halkan Ka Dhageyso

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/06/Cod-1.wma|autostart=yes]

Soo dhawayn kadib, xubnahan oo matalayey Beesha Absame Ogaadeen ee safarka kuyimid Baydhabo iyo Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed  ee 6da Gobol ayaa kulan waxa ay ku yeesheen aqalka Gollaha kadib  shir jaraa’id ay siwadajir ah uqabteen ayaaa waxaa ay kaga hadleen ujeedada wafdigan uu u soo gaaray Magaalada Baydhabo oo ah Caasimada Koonfur Galbeed.

Ugu horeyn waxaa shirka jaraa’id kahadlay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Koonfur Galbeed Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in walaalahooda Absame ay kusoo dhaweeyaan xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaa kadib ayaa waxa ujeedada wafdigaan kawarbixiyey Suldaan Axmed Jire Warfaa oo hogaaminaayey Wafdiga soo gaaray Magaalada Baydhaba iyo Maxamed Maxamuud Nuur  Biikole  oo kamid ah wafdiga oo wada sheegeen in kala goynta ka doorteen wadajirka oo ay ula jeedeen Koonfur Galbeed, waxayna si adag u sheegeen inuu fashilmay maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo ay ku tilmaameen Dhurwaa laaya umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa hadal kooban kajeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Koonfur Galbeed Malaaq Xasan Shure.

Imaanshaha Wafuuudaan kasocotay Jubbada Hoose ee soo gaaray Caasimada Baydhaba ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan xili aysocoto xulista Xubnihii kamid noqon lahaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee 6da Gobol.

Baydhaba Janaay.

Idale News Online, Baydhaba.