Dhageyso: Waxgaradka Buurhakaba Ee Gobolka Bay Oo Ka Cabanaayo Waxbarasho La’aan iyo Caafimaad Daro Ka Jirta Degmadaasi

0
251

Buurhakaba(INO)-Waxgaradka ku dhaqan degmadda Qadiimiga ah ee Buurhakaba ee Gobolka Bay, ayaa Sheegey in degmadaasi ay ka jirto xaalad waxbarasho la’aan iyo caafimaad daro ,iyagoona  baaq u direy Dowldda dhexe ee soomaaliya iyo weliba  Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya.

waxgarad

Waxaa meesha ka baxay Adeegyadii Bulshada Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay oo ay ugu horeeyaan waxbarashada iyo Caafimaadka Degmada Buurhakaba.

Goobihii  Caafimaadka iyo Waxbarashada Degmada ayaa burburay kuwaasi oo u baahan dib u dayactir, sida ay sheegayaan Dadka Deegaanka iyo Maamulka Degmada Buurhakaba.

Waxgaradku waxa ay tilmaameen, caqabado badan oo ka taagan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, kuwaasoo carabka ku adkeeyey in tahay arin  Dhibaato iyo hormur la’aan ah ee ka taagan degmadda Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Waasaradda waxbarashadda iyo barbaarinta iyo tan caafimaadkaEe Dowladda  koonfur galbeed Soomaaliya ayaa baaq dheer u direen waxgaradkaasi, iyagoona dalbadey in xaaladaha  kale ee bini’aadanimada ee  ka jira degmadaasi wax laga qabto.

Degmadan waxaa  hoostaga  375 tuulo, waxayna leedahay 120 oo   warbiyood ah oo Xoolaha nool ay ka cabaan waxbarashadu wey liidataa   xurumo caafimaad oo tayo leh malahan” ayuu yiri Mid ka mid ah waxgaradka Degmada Buurhakaba.

Ugu dambeyntii Dowladda haatan Soomaaliya ee ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud   iyo Raysalwasaare ccc sharma’arke  waxay hoos u dhigtay himiladii shacabka  KG Soomaaliyeed u qabeen yagleeli deeda arimaaha hormar iyo Wax ka qabashadda Arimaha Aas aasiga  ah bulshadda KGS, taasoo bedelkeeda la rabo in dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ay buuxiso.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here