Dhageyso: Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Tirsan DFS Oo Gaarey Degmada Afgooye

0
308

Afgooye(INO)- Waxaa Degmada Afgooye Ee gobolka Shabellaha Hoose uu gaarey Wefdi isugu  jira Wasiiro Xidhbaano  oo horkacaayo Waasiirka Hawlaha Guud iyo dib  u dhiska Soomaaliya  Inj. Saalax Sheekh Cismaan Muuse, kuwoosoo u u kuur Galayey Xaalada Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ee Gobolka Sheballaha hoose C/qani Yuusuf Axmed  oo wareysi siyey Idale News Online, ayaa sheegey in wefdi ay u kuur galin doona Xalaada Bini’aadanimo,Amaanka iyo  dibu dhisyo lagu sameyn doono Labada buundo ee  Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha hoose.

Gudoomiyaha Ayaa sheegey in Dhawaan Dhalanyarada Magaalada iyo Maamulka Degmada Afooye ay u qarooneen Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ku aadan in wax laga qabto jid jidka burbursan iyo labada buundo ee Mara Ee Degmadaasi, waxaana uu sheegey in durba wasiirka uu ku soo jawaabey, isagoona  rag qiimeyn ku sameeyo u soo direy.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Afgooye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here