Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo ka soo yeedhay Golaha wada-Tashiga iyo Toosinta
“Waxa aan doonayaa in aan halkan jawaab uga diro Faysal oo iska daa Kiilo mitire, talaabo aan ku soo kordhin, maalinba ninka dalka xukumaya ayaad caayaysaa, waxaana dhici doonta in adiga oo halkaas naga caayaya in la arki doono dalkii oo dhismay, waxa aan ku leeyayay af xumadda Maalintii iyo ergada habeenkii aad noo soo dirayso kala daa.”
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/07/wasiirSomaliland1.mp3]Wareysiga wasiiru dowlada Madaxtooyada oo dhameystiran halkaan ka dhageyso
“Waxa Jirta rag kale oo Magac Ku Lahaa Dalka, laakiin aad hadda mooda in ay magacoodii iyo sumcadii hore masaxayaan, kuwaas oo uu ka mid yahay Dhago weyne.”
“Hadaad shalayto soo Halgamaysay, laakiinse ay kuu bar-bar taalay in aad Siilaanyo u gasho Jidgooyo oo ina Cigaal Xilligii Sulaadiinta La uruurinayay aad lahayd waan duminayaaye soo deg oo ina Riyaalena Shalayto aad lahayd aynu ku duulo, oo maantana aad Siilaanyo leedahay aynu ku duulo oo weerarono, waa ayaan darro miyaanad weerar ka gud-bayn, miyaanad ka gud-baynin in aad dalkaaga Tidhaahdo aan col geliyo.”
“Waxa timid sharci daradda, waar nina sharci daro laga yeeli maayo, ninkii sharciga diidoow, sharci daradu waxa ay kuu dhasho waxba ha naga siinin, Waxa weeyaan hogaamiyeyaal guul daraystay, shalay buu hogaaminayay Udhis haddii lagu diiday oo umad ku dooran wayday”
“Maxamed Xaashi waxa aan leeyahay waxa aad maana sheegayso maad sheegtid shalay markii aad wasiirka ahayd”
Idale News Online