Dhageyso: Wasiirka Cadaalada Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

0
238

Muqdisho(INO)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya si loo weydiiyo su’aalo la xiriira Wasaaradiisa.

jilka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Su’aalaha ay weydiinaya Wasiirka Cadaalada ka mid noqonaya Howsha Golaha Adeega Garsoorka, qaabki lagu soo dhisay iyo Arrimo kale oo la xiriira Wasaaradiisa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kulanka Maanta ugu warbixiyay Warbaahinta iyo Arrimo kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Todobaadkii hore Su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, waxana Baarlamaankla Soomaaliya ay horay u sheegen in ay xilli walbo u yeerayaan Wasiirada Xukuumada Soomaali isla markaana ay la xisaabtamayaan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here