Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay weerar maanta Al-shabaab ay ku qaadeen madaxtooyada maamulkaasi ee magaalada Baydhaba, halkaasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Wasiirka Amniga Dowlada Cabdifitaax Geeseey oo warbaahinta u faah faahiyay weerarkaan iyo sida uu u dhacay ayaa sheegay in ay ka war qabeen weerarkaan, islamarkaana ay ka hortageen.
Waxa uu tilmaamay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay markii hore la damacsanaayeen in gudaha madaxtooyada ay la galaan, hase ahaatee ay ciidanka ka warheleen in gaariga walxaha qarxa ka buuxaan, ayna qabteen dadkii watay, balse baaritaanka intii la wada uu gaariga oo NOHA ahaa qarxay, halkaasi oo ay ku dhinteen Laba Askari.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarunta ADC meel ku dhaw lagu soo qabtay mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday, ka dib markii ay shacabka farmuuqeen, kaasi oo haatan lagu xiray saldhiga magaalada Baydhaba.
Ugu dambeyn Cabdifitaax Geesey ayaa sheegay in dhammaan dadka ay qabteen la horkeeni doono cadaaladda, haatanna baaritaan lagu wado.
Halkan ka dhageyso
Idale News Online, Baydhabo