Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Maxay ka baran kartaa Weerarkii Madaxtooyada ee maanta?

0
193

Baydhabo(INO)-Weerar qorsheysan ayay manta Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka fuliyeen Aqalka Madaxtooyada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkastoo aysan gaarin yoolkii ay doonayeen oo ahaa dilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xiligaas shaqadiisa ku jiray, hadana wuxuu ku soo beegmayaa xili horay amaanka magaalada Baydhabo loo sheegay in la sugay.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Sugida amaanka magaalada Baydhabo ayaa bilaabay baaris gaar ah oo lagu sameynayo dadkii weeraray goobtan oo la dilay badankooda iyo cida ku lug ku yeelan karta qaraxyada iyo weerarka manta dhacay.

Shabaabka Soomaaliya ayaa looga adkaaday dagaalka tooska ah, waxa ayna mudooyinkii udambeeyey awooda saareen howlgalada ay fuliyaan kooxaha aan loogu talagalin in ay soo nabad laabtaan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here