Marka(INO)-Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowladda Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa ku hanjabay in Dowladda KGS ay jawaab deg deg ah ka bixin doonto talaabada uu qaaday maamulka degmada Wadajir ee meel uu uga dhacay-waa sida uu u dhigaye- sharafta wasiirka ganacsiga ee K.Galbeed Cabdullahi Sheekh Xasan.
Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in talaabadii ay qaadeen maamulka degmada Wadajir ay tahay talaabo looga soo horjeedo maamulka K.galbeed, ayna tahay mid aysan aqbali doonin.
Hadalka wasiir Fiqi ayaa daba socda talaabo ay maanta qaadeen maamulka degmada Wadajir ee ay cagta ku mariyeen baro uu Dowladda Koonfur Galbeed ay calaamadeeyday in ay tahay xuduuda ay wadaagaan Dowladda Koonfur Galbeed iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Marka