Dhageyso: Maamulka Gobolka Banaadir Oo Burburiyey Boorkii Dowladda KGS Ay Ku Taagtey Degaanka Jazeera

0
247

Muqdisho(INO)-Maamulka Gobolka  Banaadir  ayaa  gabi ahaanba dhulka dhigay, Boorkii Dowladda  Koonfur Galbeed Shalay ku sheegtay in uu kala qaybin doono  Gobolka Banaadir Iyo Dwlaadda  koonfur Galbeed  kaas  oo laga taagay Degaanka Jazeera.

KGS

Gudoomiyaha Degmada WadaJir Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in boorkaasi ay taageen sida uu yiri dad ka soo horjeeda ammaanka  Degmadaasi horay loo xukumay oo ahaa mooryaan waa siduu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyuhu in Shaqsiyaadkaas degmada ay ka bilaabeen  olole uu xusay in Maleeshiyaad ay ku qortaan si ay ula dagalamaan Maamulka Dowlada ee Degmada Wadajir

Ciidamada maleeshiyaadka ah ee meesha la geeyay waxaa laga abaabulay gurya caan ah oola yaqaan oo degmada Wadajir ku yaal waliba xilliyo habeen ah ayaa laga abaabulay wadooyinka ayaa u xiran dowladda waxaan ka codsanaynaa inay soo faragaliso” ayuu yiri guddoomiye Afrah

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn waxaa uu waalidiinta reer Wadajir ka codsaday inay ka foojignaadaan kana waantoobaan dadka nuucaas oo kale u abaabulaya.

Burburintaan loo gaystay boorkaan lagu sheegay inuu yahay Xadka kala qaybin doona Gobolka Banaadir iyo Maamulka Koofur galbeed ayaa imaanaya xilli waayihii dambe uu muran xoogan ka jiray xudduudaha u dhexeeya maamul goboleedyada dalka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here