Dhageyso: Wasaarada Amniga oo Gacanta Ku Dhigtay Shabakado Shabaab Ah

0
171

Muqdisho(iINO)- Wasiirka Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen shabakado shabaab ah, kuwaa soo doonaayay in ay ka baxaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Gudaha waxa uu sheegay in shabakada Qaarkood lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in  shabakadaha  Qaarkood lasoo qabtay  Garoomada diyaaradaha maamul goboleedyada dalka.

Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shabakadaha la qabtay ay ahaayeen kuwa isku xiran , oo doonaayay in ay ku dhoofaan Baasabooro iyo sidoo kale Viisooyin been abuur ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wasaarada amniga ay dardargelisay howlaha ay kula dagaalamayso Al-Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso