Ceelcadde(INO)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha duqeyn ay ciidamada Kenya ka gaysteen Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo
Ku dhawaad 8 qof oo shacab ah ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhinteen weerarka xaga cirka ah ee ay ciidanada Kenya ku qaadeen deegaanka Ceel-Cadde.
Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in AlShabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Kenya xili ay ku sugnaayeen duleedka Ceel-Cadde.Kenya ayaa walli baadi goobeysa askar badan oo ay ku weysay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online,Ceelcadde