Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Degmada Wanleweyn Ee Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Siidow C/raxmaan ayaa ka hadley Waxqabadka Maamulkiisa mudii uu jirey isagoona mudo 3 bilood ka hore wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u magacowdey jagadaas.
Gudoomiyaha oo Wareysi Gaar ah siyey Shabakada Warbaahinta Idale News Online ayaa sheegey in wax weyn ay ka qabteen Arimaha Amaanka isla markaana ay muujeen Bilicda Degmada wanleweyne , waxna uu intaa ku darey in degmada Wanleweyn laga hergaliyey Nalalka Cadceeda ku shaqeeya.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in isbitaalka weyn laga dhisaayo Degmada wanleweyn iyo Iskuul dugsi sare
Dhan kale waxa uu sheegey in burbur xoogan uu ka muuqado Laamiga dhexmara Degmada wanleweyn, isagoona Qurbojoogta ka Ka Soojeeda Degmada ugu baaqey inay ka qiib qaataan dib u dhiska Degmada Wanleweyne Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Wanlewey