Baydhabo(INO)- Odayaasha dhaqanka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaadacay in doorashada soo socota ee dalka lagu saleeyo Nidaamka heer Degmo oo ay wataan Maamulada Puntland iyo Jubba.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow Yacquub ayaa waxa uu sheegey in kaliya uu xalka Soomaaliya xiligan ku jiro nidaam beeleed-ka 4.5.
Ugu dambeyntii, Go’aanka odayaasha ayaa kusoo aadaya xili lasoo sheegayo in lagu kala tagey shirweynihii magaalada Kismaayo oo la isla fahmi waayay qodobadii la isku hayay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo