Dhageyso VOA: Dowlada Koonfur Galbeed Oo Xaqiijisay in Al- Shabab Ay Wali Gacanta Ku Hayaan Marka

0
178

Baydhabo(INO)— Wasiirka Amniga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabab ay wali ku suganyihiin magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Geesey
Cabdifatah Geeseey, Wasiirka Amniga DowladaKoofur Galbeed oo la hadlayey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in meelaha qaar ay ku suganyihiin waxa uu ugu yeeray kooxo wajiyada duuban, isaga oo intaasi ku daray in Al Shabab aysan laheyn awood ay kusii heystaan magaalada.

Soo galitaanka Al Shabab ee magaalada Marka ayuu ku eedeeyey in ay mas,uuliyadeeda qaadeyso dowlada federaalka oo uu sheegay in iyada ay mas,uuliyad ka saarantahay in ay dhisto ciidamada maamulada gobolada.

Md. Geeseey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaal magaalada dib loogu soo celinayo gacanta dowlada, isaga oo intaasi raaciyey in ciidamada AMİSOM iyo kuwa dowlada ay kusoo wajahanyihiin Marka saacadaha soo aadan.

Dadka deegaanka oo aan ayaa xaqiijiyey in wali ay magaalada joogaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Marka ayaa ah magaalo xeebeed muhiim ah, waxaa dhowki sano ee lasoo dhaafay joogay ciidamada AMİSOM iyo kuwa dowlada, hase yeeshee dhawaan ayaa waxaa la wareegay Al Shabab kadib marki ay halkaasi isaga baxeen ciidamada AMİSOM.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here