Baydhabo(INO)- Taliyaha Ciidamada Taraafikadda Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Mayow Sheekh Mukhtaar ayaa maanta amaro adag dul digey Bajaajley ku dhaqan Degmada Baydhabo.
Taliyaha oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Gudaha Magaalada ayaa sheegey in dhamaan Bajaajta ka shaqeysa Baydhabo maalinta talaada Ee soo socoto laga rabo inay ku soo xaroodaan Garoonka ku badda Cagta Dr. Ayub Studium, isagoona sheegey in cidii amaradan ka dhaga adeegto lala tiigsan doono Sharciga.
Sidoo kale waxuu xusey in arintan ay u gul leeyihiin sidii loo sugi laha amaanka iyo weliba dhalanyaro yar yar oo loo soo dhiibtey Bajaajta , kuwaasoo uu ku tilmaamey in aan garaneynin wadista Bajaajta isla markaana ay keenayaan shilal.
Ugu dambeyntii, Magaaalada Baydhabo, ayaa waxa aad badan Gawaarida iyo Bajaajta.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo