Dhageyso: Siyaasiyiin Siyaabo Kala Duwan uga Hadlay shaqsiga Ku Haboon Guddoonka BFS

0
196

Muqdisho (INO)—Siyaasiyiintan ayaa waxey siyaabo kala duwan aragtooda ugu cabireen shaqsiga ku haboon in loo doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed Soomaliya, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa waxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu isku soo taagi karo shaqsi walba oo Soomaali ah, sida uu qeexayo Dastuurka Dalka

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa waxuu ka digay in hanaan beeleed xilka Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka loogu leexiyo, isagoona taasi ku tilmaamay in ay keeni karto kala tagga Umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa isna waxuu ka digay in Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Dad uu ku sheegay in ay yihiin Saraakiisha Itoobiya waxuuna Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay in ay ka fekeraan masiirka Dalka .

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxuu ugu baaqay Baarlamaanka cusub in ay ka fekeraan danaha Dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka hortagaan waxa uu ugu yeeray “gumeysi” dadban.

Sikastaba, Doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 11-ka bishan lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso