Dhageyso: Shirka Maamul u samaynta Saddexda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo heer gabagabo ah maraya.

0
188

Shirka Maamul u samaynta Gobolada Bay,Bakool iyo Shabeelada Hoose ayaa ku dhow heer gabagabo ah,waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu furmo shirka Ergooyinka,lana anisixyo Dastuurka,si loo doorto Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xoghaya shirka Ugaas Xassan Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kaso qayb geli doonaan shirka Baydhabo.

‘’Shirka meel fiican ayuu marayaa,waxaa la filayaa in maalamha soo socda in shirka Ergooyinka uu furmi doono,ka dibna la guda gali doono Ansixinta Dastuurka iyo Doorashadda Madaxweynaha’’Ayuu yiri.

Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si habsami leh uga socday magaalada Baydhabo,xilli Beesha Caamka iyo Dowlada Federaalka ay si wayn u taageerayaan shirka.

Halkan Ka Dhageyso

Digil-iyo-Mirifle (1)