Dhageyso+ Sawiro: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Magacowdey Gudoomiyaha Arimaha Bulshadda Gobolka Bay

0
936

Baydhabo(INO)- Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Wareegto Ku soo Magacowdey Gudoomiye Ku Xigeenka Dhanka Arimaha Bulshadda Gobolka Bay.

Wasaaradda ayaa Waxay  Gudoomiye Ku Xigeenka dhanka Arimaha Bulshadda Gobolka Bay u magacowdey  Mudane Cali Xasan Cabdi  isla markaana waxa lagu xusey wareegtada ka hor in wasaaraddu wada tashiyoay  ay la sameysey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, Odayaasha Dhaqanka iyo Laamaha Dowlada Ee Arintan ay khuseyso.

Ugu dambeyntii, Waxaa la farey Laamaha amaanka Gobolka Bay inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Arimaha Bulshadda Gobolka Bay, jagadan oo ku dhowaad mudo 5 Bilood ah ay banaaneyd.

Halkan Ka Dhageyso Wareegtada oo Akhrinayo Gudoomiyaha Gobolka Bay

080706050403020109

Wariye Cali Ilyaas Cabdullahi, Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay