Dhageyso: RW,CCC Sharma’arke Oo Ka Qiib Galey Kullan Lagu Xalinaayo Xulista Baarlamanka KGS

0
222

Baydhabo(INO)- Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Xalay magaalada Baydhabo kulan looga hadlayay xalinta khilaafka ka taagan soo xulista xubnaha Baarlamaanka kula qaatay mas’uuliyiinta Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya.

1

 Sida uu soo sheegayo  Wariye Sayid Cali Muuse,kulanka xalay ayaa muhiimadiisa waxay ahayd sidii xal buuxa looga gaari lahaa muranka hareeyay xulista Baarlamaanka Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya iyo waliba in la qanciyo beelaha saluugsan hanaanka lagu wajahyo soo xulista.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa ahaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo madasha ka sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo xulo Baarlamaanka Koonfur galbeed Soomaaliya si ay u suurta gasho u adeegida Shacabka Koonfur galbeed oo u hamuun qabo maamul Suuban oo u horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tirada la doonayo in xubnaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya noqdaan ayaa gaaraya 95-Xildhibaan kuwaasi oo 70-ka mid ah hada la soo xulay halka inta kale ay harsan yihiin.

Waxaana lagu wadaa in maalinta berito ah Xildhibaanada 70-ka la dhaarinayo,islamarkana tirada kale ee harsana dib laga soo xulayo.

Ugu dambeyntii, Dib u dhaca iyo waliba mudada dheer ee uu qaatay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka  Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay muran hareeyay iyo beelo dhaliilsan qaabka ay u socoto soo xulista oo tilmaamay in laga sad badsaday.

Halkan Ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here