Dhageyso: RW, CCC Sharma’arke Oo Rajo Ka Muujiyey Dibu Furida Xawaaladaha Soomaalida Ee Dalka Kenya

0
219

Muqdisho(INO)- Raysawlasaaraha dawladda faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa sheegay in ay dawladdiisu kala hadashay dawladda Kenya in sida ugu dhaqsaha badan dib loo fasaxo shaqooyinka Xawaaladaha Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay wax badan ka wada hadleen dawladda Kenya ayna isku afgarteen inta badan wixii laysku soo qaaday.

ccc

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay xawaaladaha Soomaalidu leeyihiin dhaliilo badan oo ku aadan hanaanka Xisaabaadka, isagoo sheegay in bangiyada dalalka Somalia iyo Kenya ay door wanaagsan ka qaadan doonaan sidii loo sameyn lahaa Iskaashi dhexmara labada dal, kaas oo muujinaya habka xisaabaadka oo hufan.

Raysalwasaare Sharmaake ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono dalka Mareykanka, isla markaasna uu kala hadli doono dawladda Mareykanka sidii loo furi lahaa si sharci ah Xawaaladaha Soomaalida, isagoo sheegay in ay Soomaali badan ku tiirsan yihiin lacagaha looga soo diro gudaha dalalka Reer galbeedka.

Halkan Ka Dhageyso.

Booqashada Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid uu ku marayo dalalka Kenya iyo Mareykanka ayaa ujeedada ugu weyn tahay sidii loo heli lahaa Nidaam Maaliyadeed oo ay isku raacsan yihiin dawladdahan oo isku raacsan in la joojiyo habka hada ay wax ku xawilaan Xawaaladleyda Soomaaliyeed.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here