Xudur(INO)-Maamulka degmada Xudur iyo Shacabka magaaladaas ayaa hirgalinaya dhisme cusub oo Isbitaal, kaas oo baahi weyn uqabeen dadka deegaankaas.
Dhismaha cusub ee Isbitaalka ayay si weyn usoo dhaweeyen Bulshada magaalada Xudur, oo horay baahi weyn ugu qabey in ay helaan adeegyada caafimaadka ee ubaahan yihiin.
Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay talaabadan qaadeen ayagoo isku tashanaya, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay cid kasta in ay qeyb ka qaataan dhismaha Isbitaalkan.
Magaalada Xudur waa xarunta gobalka Bakool, adeegyada asaasiga ah ee bulshada ayaan si wanaagsan ugaarin, waxaana magaaladaas ay soo martay Isbadalo badan oo maamul iyo amni, waxaana marar badan hada weeraro ku soo qaada Xarakada Shabaab ee Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xudur.