Dhageyso: Puntland Oo Soo Bandhigtay Qaar ka Mid Ah Kuraasta Aqalka Hoose

0
167

Garowe(INO)-Guddiga Doorashadda dadban ee heer Puntland ayaa caasimadda Garoowe kaga dhawaaqay in 5ta bisha Novomber oo ku beegan Maalinta Sabti ah ee toddobaadka Dambe ay bilaaban doonto codbixinta aqalka hoose ee barlamaanka federaalka soomaaliya.

Guddoomiyaha  Guddiga doorashadda Khaliif Aw-cali oo  shir jaraa’id  qabtay ayaa sidoo kale sheegay in   Sideed Beelood oo soo gudbiyeen Ergada dooranaysa 12 Xildhibaan oo ka mid ah 39 Xildhibaan oo laga soo dooran doono Degaamadda Puntland. Waxaa kaloo uu ka hadlay dib- u dhaca ku yimid waqtigii loo ballamay inay doorashaddu dhacdo oo uu sheegay inay sabab u ahayd qoondada Haweenka ee Ergooyinka oo beeluhu sidii laga doonayay aysan u fulin,  balse hadda la xaliyay oo ay ka gudbeen.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhinacooda ay wax kasta diyaar ka yihiin oo doorashadu bilaabanayso,  oo ay isla maanta oo bishi ku beegnayd 31 Oktoobar ay bilaabeen qabashadda iyo diiwaangalinta musharixiinta u tartamaya Aqalka hoose ee barlamaanka, islamarkaana ay socon doonto ilaa 1-da bisha November 2016ka.

“ bisha Novomber 2deeda ilaa 4ta waxaa socon doonaa dejinta, diiwangalinta iyo sawiradda ergada codka bixinaysa. Ergay kasta waxaa la siinayaa Kaar aqoonsi ah. 5 ta ilaa 6da bisha Nofeember waxaa socon doonto codaynta aqalka hoose. 7 bisha soo socotana waxaa soo bixi doona 12 Xildhibaan” ayuu yiri Guddoomiye Khaliif.

Ugu dambayntii,  wuxuu u fariin u diray isimadda iyo odoyaasha soo Xulaya Ergada iyo musharixiinta Xildhbinaadda federaalka, wuxuu ugu baaqay inay soo gubdiyaan Ergooyinka dooranaya xubnaha aqalka Sare. islamarkaana ay fuliyaan Ergooyinkii loo asteeyay qoondada Haweenka ee Ergooyinka iyo musharixiinta Aqalka Hoose.

Ku dhawaaqida waqtiga Codbixinta doorashadda Aqalka hoose ee Garoowe ka dhacaysa waxaa ka dambaysay ka dib markii Maalintii shalay ay beesha Caalamku ay war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen ayaa ku sheegeen inay ka niyadjabsan yihiin Dib- u-dhaca doorashadda aqalka Hoose ee barlamaanka.

Halkan Ka Dhageyso