Dhageyso: Nuxurka Ujeeda Wafdi ka socda AMISOM iyo Dowlada KGS Ay U Booqdeen Xudur

0
187

Xudur(INO)- Wafdi ay kamid yihiin Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Taliska AMISOM ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhiiri geliyey ciidamada dowlada inay dib ugu noqdaan magaalada Tiyeglow oo ay todobaadkan dib ulla wareegeen maleeshiyaadka Al Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso Codadka

Magaalada Xudur oo ay hada ku sugan yihiin dad badan oo kasoo qaxay Tiyeglow ayaa waxaa booqday Xubno ka socda Dowlada Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed iyo Taliska ciidamada AMISOM.

Qabsashada Al Shabaab ee Tiyeglow ayaa timid kadib markii ay deegaankaasi baneeyeen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM, arrintaasi oo keentay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay iyaguna goobtaasi isaga baxaan, waxaan si fudud kula wareegay maleeshiyaadka Al Shabaab oo hada xanibay isu socodka gobalada Bakool iyo Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday inay isaga baxaan qeybo kamid ah saldhigyadii ay ku lahaayeen gobalada Hiiraan iyo Bakool.