Mid kamid ah Nabadoonada ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose, ayaa ciidamada Kenyatiga ee Magaaladaasi ku sugan wuxuu ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan Magaalada Kismaayo.
Nabadoon Macalin Gaas oo waxgaradka Kismaayo kamid ah ayaa sheegay in ciidamada Kenyatiga ee jooga Kismaayo ay yihiin kuwa dhibaatada Jubbooyinka ka shaqeeya, balse marnaba shacabka Jubbooyinka aan faa’iido u hayn.
[audio:C:\Users\Beder Internet\Downloads\Music\20570.MP3|autostart=yes]
Wuxuu sheegay Nabadoon Macalin Gaas in dhibaatooyinka Kenya ay ka wado Magaalada Kismaayo ay ku caawinayaan sida uu yiri Urur Gobaleedka IGAD wakiilka Soomaaliya u jooga Maxamed Cabdi Afeey.
Nabadoon Macalin Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka Kismaayo ka jira sidoo kale uu qeyb ka yahay Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd.
Idale News Online, Kismaayo.