Dhageyso: Nabadoon Axmed Diiriye iyo Hogaamiye Axmed Madoobe oo Muqdisho ku heshiiyey, taageerana isu balanqaadey

0
190

Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed diiriye  oo khudbad ka jeediyey xarunta shirka dib u heshiisiinta jubooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu hiil iyo hoo la garab istaagaayo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ee Raaskambooni waa sida uu yiriye. Axmed Diiriye ayaa cafis weydiistey kooxda Raaskambooni, sheegayna inuu isbaheysi yeelan doonaaan maamulka ka taliya Jubooyinka taasi oo dad badani ka yaabisey waxa uu noqon doono is xulufeysigaas cusub

axmadeenOoheshiiyey

Dhageyso Axmed Diiriye[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Axmed-Diiriye.mp3]

Horey ayaa waxaa dagaalo ugu dhex mareen gobolka Shabeelaha Hoose beesha uu Axmed Diiriye ka soo jeedo iyo beesha Biyamaal kuwaasoo ilaa iyo hadda colaada labadaas beelood aan wax xal ah laga gaarin. Waxaa sidoo kale saxaafada gudaha iyo dibada hanadaad ku aaadan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dhex martey qaar ka mid ah Malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Axmed Diiriye.

Dadka siyaasada odorasa ayaa sheegaaya in isbahaysiga cusub ee beelaha Muqdisho iyo Maamulka Raaskambooni ee Kismaayo ka arrimiya ujeedkiisa yahay in looga hortago maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo haatan dhismahiisa ay ku howlan yihiin dadka ka soo jeedo goboladii la isku oran jirey Alta Jubba iyo Bassa Jubo iyo Shabeelaha Hoose oo intuba yihiin dad ku leh taageero aad u weyn dhamaan goboladaas.