Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Joojisey muranka is qab qabsiga dhulka, Iyadoona dhawaanahan ku soo badanayeen Dacwadaasi Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada C/laahi Cali Maxamed Watiin ayaa sheegey in arintaasi laga joojiyey Dekreeto Ka Soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa iyo amar Dambe, cidii ka soo hadasho is qab qabsi dhuleed ilaa xilligaasi ka dhamaanayo uu sheegey in sharciga la tiigsan doono.
” Khilaafyo iyo Muran badan ayaa ka taagan dhulal ku yalla Degmada Baydhabo, waxaa jirto Dekreete Xeer Madaxweyne ah oo arinta dacwada dhulka laga joojiyey ilaa iyo Amar Damabe, Qofkii diidana waxaa laga qaadi doona tilaabo sharciga waafuqsan,Waxaan rajeyneyna in aan sameyno Xafiiska Waaxda Dhulka Ee Degmada, ka dib Gudigii dhulka Qaabilsan waxay sameyn doonaan; tusaalle ahaan Qofka hadii uu doonayo inuu cabirtu dhulka, Degmada Ayuu imaan doona ka dibna waa lala eegaya” ayuu yiri C/laah Cali Maxamed Watiin.
Dhinac kale Gudoomiyaha Degmada Baydhabo waxa kale uu sheegey ,qorshe cusub oo ay dajiyeen oo loo qaadayo Cushuurta Degmadaaasi, isla markaana ka bedelan Qaabkii maamulkii Hore.
“Tan kale Dhinaca Canshuraadka; Magaalada Magaalo weyn Weeye dadka si wada jir ah loogama qaadahayo, Canshuurta waxaa la sameyn doona nidaam tira koob ah oo dadka si wada jir ahi looga qaadayo cashuurta Degmada Baydhabo, Nidaamkan marka aan hergalino, waxaan sameyn doonaa Hanaan Maaliyeed ee Canhuurta, wixii dhaqaalle ah oo ka soo xarooda Magaalada Baydhabo waxaan rajeyn doonaa in aan wax badan aan ugu qaban doono Buslshadda Degmda” Waxa sidaas mar Kale yiri Gudoomiye Watiin.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhbo